Xuddur Somalia



Keywords: somalia, tension, bakool, huddur
Description: Magaalada Xuddur ee gobolka Bakool ayaa lagu soo warramayaa in dadweynihii ka qaxeen ka dib markii al-Shabaab soo gashay. Ciidan Itoobiya iyo kuwo dowladda Soomaaliya oo muddo hal sano ah joogay ayaa la sheegay inay isaga baxeen magaalada.

Boqollaal qoys ayaa ka qaxay magaalada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool kaddib markii ay halkaasi ka baxeen ciidammo Itoobiyaan ah oo muddo dheer gacanta ku hayay xukunka magaalada iyo ciidammo taageersanaa dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale waxa isna wararku ay sheegayaan in maamulkii halkaasi ka jirey ay iyaguna magaalada ka baxeen ka dib markii ciidamadu ka tegeen, ilaa haddana lama garanayo sababta. Wararku waxay kale oo xaqiijinayaan inay magaalada soo galeen ciidan ka tirsan xarakada al Shabaab oo iyagu haatan la wareegay xukunka Xuddur. Hasse ahaatee lama soo sheegin wax dagaallo ah oo ka dhacay magaalada dhexdeeda iyo wax dhimasho amma dhaawac ah.

Lama garanayo sababta ciidanka Itoobiyaanku halkaas uga baxeen hase ahaatee dadka arrimaha Soomaaliya u kuur gala waxay leeyihiin waxaa dhici karta inuu jiro khilaaf u dhexeeya Itoobiya iyo qaybaha Soomaalida qaarkood.




Photogallery Xuddur Somalia:



Dayniile Online daily news From Somalia
Somalia | Editorial picture agency Felix Features
Somalia | Editorial picture agency Felix Features

Dayniile Online daily news From Somalia
Panoramio - Photo of Somalia, at the well
Weather Forecast in Xuddur City

Panoramio - Photos by klamari
AFAR DHUKUBO | Just another WordPress.com site
Panoramio - Untitled photo

Panoramio - Photo of Huddur, Sundown
Somalia, Baidoa Airport, Main Building | Flickr - Photo Sharing!
Woqooyi Galbeed - State | Facebook

Welcome to baidoanews.
BILOWGII JABKA KUWA SOO DUULAY:-Ciidankii Gumaysiga Itoobiya ay ...
Somali Youth United

Dayniile Online daily news From Somalia
Warka : SalaanMedia
Safety and security training for Somali journalists opens in ...

All Somalia | War Helaa Talo hela - Part 100
Panoramio - Photos by klamari
DCP_0262 | Flickr - Photo Sharing!