Qaranrow Somalia



Keywords: Qaranrow Somalia
Description: Daawo Jaaliyada Galmudug oo u Gurmaday Dadka Abaaruhu ay ku Dhufteen Deegaano ay kamid Yihiin. Dhageyso + Sawiro Jaaliyada Galmudug ee Ku Sugan Gobolka Mudug Ayaa Biyo Dhaamin Waxay u Sameeyeen

Daawo Jaaliyada Galmudug oo u Gurmaday Dadka Abaaruhu ay ku Dhufteen Deegaano ay kamid Yihiin. Dhageyso + Sawiro

Jaaliyada Galmudug ee Ku Sugan Gobolka Mudug Ayaa Biyo Dhaamin Waxay u Sameeyeen Dadka Abaaruhu Ay ku Dhufteen ee ku Sugan Qaar kamid ah Deegaanada Gobolka Mudug,

Deegaano Ay ka mid Yihiin  -Xer Dhagaxley  4 Booyadood  -Jilable  4 booyadood  -qaranrow   2 booyaddood  -jeexdin 4 booyaddood Waxana Markii Dadkaasi la Gaarsiiyay ugu Mahadceliyeen Bulshada Galmudug kuwaasi oo lasoo Gaaray Gurmadka.

Mid kamid ah Hooyo Ku Sugan Deegaanka Jeexdin Ayaa Sheegtay in Dadka ku Dhowyihiin Heer Dhimasho ah isla Markana Qaabka loola Soo Gaaray Gurmadkaasi ay Tahay Mid Wanaagsan Waxayna ugu Mahadcelisay Jaaliyada Galmudug ee Lasoo Gaaray,

isla Dadka La Gaarsiiyay Gurmadka Ayaa ka Hadlay Biyo Qeebinta loo Sameeyay Waxayna sheegeen in Jaaliyada Marna Quluubtooda ka Go.eyn,

Qaar kamid ah Gobolada Galmudug Waxaa ku Dhuftay Abaaro Xoogan oo Saameyn ku Yeeshay Dadka iyo Duunyada iyadoo isa soo Tarayaan Qeelo Dhaanta kasoo Yeeray Dadka Halkaasi ku Sugan,

Biyo Qeebinta Maanta Laga Sameeyay Dhulkaasi Ayaa ku Soo Aadeysa iyadoo Qeebo ka Mid ah Galmudug Maanta uu ka Curtay Roobkii Guga Ahaa,




Photogallery Qaranrow Somalia: