Qaan Dhoole Somalia



Keywords: Qaan Dhoole Somalia
Description: Waxaa hubanti ah in qabyaaladdu kaw ka tahay mushkaladaha ku habsaday gayiga soomaaliyeed; U malayn maayo inay jiraan laba qof oo isku maan dhaafsan in qaybyaaladdu tahay aafada ugu wayn ee

Waxaa hubanti ah in qabyaaladdu kaw ka tahay mushkaladaha ku habsaday gayiga soomaaliyeed; U malayn maayo inay jiraan laba qof oo isku maan dhaafsan in qaybyaaladdu tahay aafada ugu wayn ee udub-dhaxaadka ka ahaa qaran jabkii ummada soomaaliyeed ku habsaday; Sidoo kale mafilaayo inta aafada qabiilku aqalka inoo taallo in aynu horumar ku talaabsanayno,haday tahay dhinaca dhaqaalaha, diplomaasiyada, horumarinta adeegyada bulshada, Aqoonta, iyo ilaalinta bi’ada. Waa habeenkii xalay ahaa ee tagay in aynu kob caleen leh kaso durdurinaa soomaalaay ilaa inta ay Qabyaaladi ina madax marsan tahay. In aad qabiil ka mid ahaataa ma xuma ee su’aasha  iswaydiinta mudani waxay tahay, dadku miyaanay kala garanayn farqiga u dhexeeya  Ahaanshaha ama ka Dhalashada qabiilka iyo ku dhaqanka qabyaaladda?;  Sida ay ila tahay Jawaabtu waa MAYA.   Run ahaantii Soomalida way iskaga qasan tahay Ku dhaqanka qabyaaladda iyo ka mid ahaanshaha qabiil. Markaad milicsato una fiirsato habdhaqanka ummada soomaaliyeed iyo halkay ka taagan yihiin aaminsanaanta qabiilka iyo ku dhaqanka qabyaalaadda, ayaa waxaynu odhan karnaa waa tukube la’aantii la socon karin ama hadii aan si kale u dhigo aan odhan karo waa baalal ay inbadanoo inaga mid ahi ku duulaan haday rabaan in ay xil siyaasadeed, mid dawladeed iyo shaqo kaleba qabtaan. Qabyaaladdu waxay soomaalida dhexdeeda ka noqotay kaalin laga shiidal qaato hadii uu rabo qofku  in uu wax qabto ama meel uun u dhaqaaqo.

Haddii aynu inyar is dul taagno,sifaynta rasmiyan ugu dhaw ee qabyaaladda,aniga oo ku cabbiraaya aragtidayda,waxaan aamin sanahay inay qabyaaladdu ka xun tahay kana khatar badan tahay cudurada dilaaga ah ee dunidu ka qaylisay,sida Aydiska (AIDS) joonis cadka,(HEPATITIS B) Tiibayda (TB)Iboola fayras, (EBOLA VIRUS) iwm.Sannad walba malaayiin soomaaliya ayaa u dhimata, u dhaawacanta, u barakacda,u silicda,u saxariirta,u naafawda oo u aabbo,hooyo,walal,ehel iyo qaraababa wayda.Waa waxa soomaali racfaamiyay ee qayrkeed ka reebay,waa waxa soomaali ummadaha kale ka hoosaysiiyay,waa waxa konton(50) jees oo yar yar oon dabka kala qaadan baday,waa waxa inba meel ku ooday ee cadaw shisheeye gacanta u galiyay.Nasiib darrada inagu dhacday dadku uma arkaan cudure waxay u arkaan laydh caafimaad oo ciddii ay garab martaana geeri iyo nolol u dhaxayso.

Waa maandooriye ama hadii aan si kale u dhigo,waa cudur caqliga suuliya oo lagu sikhraamo,isla markaana ay cidda u ehelka ahi tahay qaar had iyo jeer la mid ah,haa! aan idhaahdee kaba sii liita dadka isticmaala mukhaa daraadka waawayn ee noola ciddii isticmaashaaba ay nolosha saxda ah ka dhacdo,sida Khamriga.Xashiishada,qaadka iwm.Si kale haddii aan u idhaahdo qabyaaladda waa lagu asaasaqaa oo qofka garashada iyo caqliga ayay ka qaadaa.

Haddaynu geesta kale jaleecno,sida aan kor kusoo xusay waxa isna ayidaaya qoraa Ibraahim Aw-Xassan Ismaaciil (Waaberi)  sida ku dhigan buuggiisa “Qaad iyo qabyaalad”waxaanu yidhi sida tan:

“Waa xannuun daawo  loo waayay,waa xannuun dilaa ah,waa xannuun qadhmuun,waa xannuun doqoniimo ah,waa xannuun xaasid ah,waa cudur aan kiisoo kale hore loo arag,waa cudur waddamada kale intooda badan ay ka nabad galeen,waa cudur aad moodo in soomaali uun loogu daw galay.”

“Wuxuu ka khatar badanyay durayga,tiibeyda,jooniska iyo dhamaan xannuunada dillaaga ah ee caalamku ka wada qayliyeen.Sanad walba intaas oo qof ayaa u dinta,u dhawaacma,u agoomooba,u silcoo isku naca.Wuxuu soo jiray muddo dheer illaa haddana lama garan ama lama fahmin inuu cudur yahay ee waxaad mooddaa in dadku la qabsadeen oo ay la noqotay wax caadiya.Dhakhtar daaweeya malaha haddii la heli lahaana isaga laftiisu ku dhacaa,culuma qur’aan ku akhrida ma laha,haddi la heli lahaana qaarkood buu ku dhici lahaa,Maamul iyo dawlad xallisa ma laha,haddii la heli lahaana cudurka laftiisa ayaa madax ka dhigay (nina wixii madax ka dhigay ma bi’iyo)”. “Aniga oo ku cabbiraaya aragtidayda dadka soomaalida ah waxa qaba 90% (boqolkiiba sagaashan) inyar ayaa ka badbaaday oo aad u tira yar ilaahay kuwaa ha naga dhigee.”

Akhriste dhaayaha fur,haa bal hadda ila dhuux qiimaha uu xam baarsan yahay,gabaygan qaaliga ah uu tiriyay Abwaan Abshir Nuur Faarax (Abshir bacadle)”AHUN” isagoo faalaynaaya xumaanta qabyaaladd wuxuu yidhi sida tan:

  • Haddii lays qaddariyey murtidu qiimo leedahaye
  • qasadkiyo ujeeddaduna waa qiiro galiyaane
  • Sidaad ugu qotomisay nafluhu ugu qashuucaane
  • Bal aan idin qanciyo gabaygu waa idin quseeyaaye
  • Qaruun waliba cudur qaasahoo qaybiyaa jiraye
  • soomaali balo loo qorayee qalinka loo saaray
  • Wax qabiil ka daran jahannamaan qiray aqoontaye
  • Qaddartoonow iga hiilisaye qolo ma sheegteene
  • Qabyaalladiyo iimaan la’aan qooqay bays helaye
  • Kuman yaal qarriban bay dhaleen qorina heegaysan
  • Oo qaaxo iyo aydhis qaba qaadse ku illaabay
  • Mar un bay magaalada qaseen kuna qammaameene
  • Qacdii hore ba bililiqo un bay innagu qaadeene
  • Nimankaa tafaha qaawanoo qoriga heegaysan
  • Haddaan baladka laga qaban wallaa looga qaxayaaye
  • Qaraabo iyo ahal riximnimaa loo qaddariyaay
  • Waa sanam qabyaaladi hadaad igu qancaysiine
  • Waa qaaxo iyo kaankar iyo aydhis qaab darane
  • Waa cudurka qaybaha bulshadu qaran ku waayeene
  • Wwaa qawqab iyo sixir qalbiga qaaciyoo shidaye
  • Waa qaabaqawsayn dagaal qac iyo yaahuuye
  • Qanjir boogi qodotoo qurmoo qolof la’weeyaane
  • Waa gorofta lagu qabyiyaa malaxda qayriine
  • Qandiga fuqurka iyo xaasidkoo qabaxa weeyaane
  • Waa waxa qoxootiga ka dhigay boqolkun oo qoyse
  • Qalbigiina ka ilaashadoo wada jir qiimeeyaa
  • Qaan gaar fidnoobee ilmaha yaan la qabad siinin
  • Qiso murugo iyo yaab leh baan soo qayaxayaaye
  • Qof Muslin ah qabyaalad u diloon ficilyo qawl gaysan
  • Qasadkiyo ujeeddaduna tahay lagu qisaasaayo
  • Qabiilkaa muxuu uga dhashaye qaadir uga yeelay
  • Qiso murugo iyo yaab lahoo quruna saw maaha?
  • Waa quud ka dhigo ruux muslin ah hilibki yariine!
  • Ilaahayoow Adigu haygu qaban Qaadir baad tahaye
  • Qof kastoo ka qayb-qaata amma qarash ku taageera
  • Nafta goorta laga qaadayoo laga qibloonaayo
  • Qarqarradiyo dhuunyeeristiyo qarow la taahiisa
  • Qac baa loogu siiyaa indhaha kiiska loo qoraye
  • Diiwaanka qalinku ugu dhacay qoommamee abide!
  • Waxba gabaygu yuun ila qarxine waan qabbirayaaye
  • Kama quusto qayr-dheeg dadkuna igama qaataane
  • Rag un baa se qiimaynayoo qoraya taariikhe
  • Ha qaddarin Dimuqraaddi waa qolo afkaartoode
  • Hantiwadaagna laga quusayoo lagu qasaarowye
  • Quboo daaadsha labadaba wallaan lagu qaboobayne
  • Qu’aankiyo sunnaa muqadaska ah qaata xukunkooda
  • Qurratul-cayni Nebi Muxammad baan lagu qasaarayne (NNKH)

Waxaa xaqiiqo ah sababaha ugu waawayn ee keenay ku dhaqanka qabyaaladda inay ka dambeeyaan waalidiinteena in badanoo ka mid ahi waayo markay ilmaha qabiilkiisa barayaan waxay u baraan qaab qaldan oo keenaya inuu ilmuhu qabiilka si qaldan u turjumto;Tusaale, waalidiinta qaar ayaa markay barayaan ilmaha qabiilkiisa waxay barayaan abtirsiintiisa oo ay ugu dhamaynayaan halka uu kaso galo qabiilkaas, Tusaale ahaan Xasan Ahmed cumar  binu binu binu.   Reer Hebel; ilimihii wuxu arkayaa in dadka ay isku abtirsiin yihiin  ay wax  isku yihiin oo diir iyo duub naxaa ka dhaxeeyo, wixii aan abtirsiintiisa soo gallinna aanay dabka kala qaadan Karin isku ehelna ahayn.  Dadkeena waaweyni  qaarkood waxay kaloo caruurtooda u sheegaan inuu qabiilkiisu ummada ugu sarreeyo,  inuu qabiilkiisu ugu maal badan yahay,inuu qabiilkiisu

ugu dun wanaagsan yay,inuu qabiilkiisu ugu aqoon yahano badan yahay,inuu qabiilkiisu ugu suugaan yahan-sanyahay,inuu qabiilkiisu ugu geesi san yahay iyo inuu qabiilkiisu ugu sarreeyo bulshada inteeda kale;Tani waxay keentay inuu ilmuhu markuu madaxa la kaco uu noqdo mid kala xigsada dadka. Wuxuu caadiyan isku xidhaa, la socdaa, la saaxiibaa dadka ay isku qabiilka yihiin, Tanina waxay keentaa ilmahaasi markuu waynaado in  aanu qirsanaan in lala siman yahay qabiilkiisa ama laga wacnaan karo; waxaad arkaysaa isago leh reer hebel ma iyagaa noo dhigma anaga, reer hebel maxaa halkaa loogu dhiibay, Anaga iyo reer hebel sidaanu isku kuraas u helnaa,  Sidaad iila hadashaa adoo reer hebela. Iyo hadalo kale oo la mida. Qofkaasi ma ahaado qof ay ka dhaadhacdo in reero siman la yahay se qarannimo inaga dhaxayso iyo la tar-tanka Dalalka Afrika iyo dunida Kaleba.

Haddii aynu ku horayno macnaha fahamka qabiil,sida uu kusoo naqliyay Ibraahim Aw-Xassan Ismaaciil (Waaberi) buuggiisa Qaad iyo qabyaalad,Qabiilka waxa sifiican u qeexay qoraa Cabdullaahi Maxamed Cumar buuggiisa qab iyo qabiil,wuxuuna yidhi:Qabiilku waa:”dad isku isir ah oo wadaaga ab’ama awoow isku mid ah ayaa la odhan karaa waa qabiil ama waa isku qabiil”

“Koox caa’ilo (qaraabo) ah oo kasoo jeeda ama asalkoodi ka yimid qoys isku mid ah kaasoo leh magac isku mid ah”

“Waxa ay isku gartaan dad meel wada Dagan,isla markaana ay isku garabsadaan ama isku kaashadaan intii is xigtaaba”

“Ahaansho qaybta ilaahay kaa dhigay markii uu qaybinaayay shucuubta iyo qabiilada,taas oo noqon karta soomaalinimada lafteeda”

Dhamaan macnayaashan iyo kuwa kale oo badan isla markaana aan halkan ku xusinba waxay si cad inoogu iftiiminayaan,in qabiilku yahay wax jira, isla markaana yahay wax laysku garto oo laysku xidhiidhiyo ama baadi sooca dadka intii meel wada dagan.

“Diinteena suuban arintan way ka hadashay,oo allaah (swt) ayaa inoogu sheegay qur’aanka kariimka ah een qaldamin,isla mar ahaantaasna aan dhalan badalmin;In laysku garto qabiilka,si caa’iladuhu(qaraabo) isku xidhiidhiyaan,una yeeshaan baadi sooc u go’an.”

“Bini aadmiga waxa aanu ka dhignay abuuris ahaan, shacbiyo iyo qabiilooyin si ay isku gartaan” (Aayadda 13-naad,suuradda Al-xujraat).

Haddii aad u fiirsato xiliyada doorashada waxaa la sameeyaa xisbiyo badan inkastoo magacyo aan reer muujinayn loo bixiyo haddana waxay xaqiiqdu tahay guud ahaan xisbiyadasi inay ku dhisan yihiin reernimo; xiliyada ol-olaha doorashooyinka lagu jiro waxaad arkaysaa nin waynoo xisbi dhan haysta oo masuulkii xisbiga ugu sarreeyay sheeganaaya haddana intuu madal la buuxo soo istaago leh __ haddaynu reer hebel nahay xisbigan ayeynu nahay, kanbaa danaheena wax ka qabanaya _ ; Waar xisbiga ma waxa loo sameeyaa in danta guud ee bulshada hadday tahay biyo, koronto, nadaafad, adeegyo caafimaad iwm wax loogu qabto mise in ashkhaas ama reero wax loogu qabto.  Bal-adba u kala saar.

Adeegsiga qabyaaladda waxaa laga dhaxlay inaan cidina liibanin ee laysku go’ sanaado  waagii baryaba oo aan talaabo horumar ah la qaadin. Waxay keentaa in  Dil yimaado xaq daro ahi; Tusaale ahaan, Waxaad arkaysaa qof bulshada ku qaali ahaa oo inta la dilay la leeyay aano qabiil ayaa loo dilay oo nin ay isku qabiil yihiin,inadeerkii ama walaalkii ayaa hore-wax nooga dilay. Caku,Caku Caqli xuminaa. Maxaynu ka dili qof aan waxba galabsan; Shakhsi ahaan waxaan odhan karaa waa nasiib daro ku dhacday ummada soomaaliyeed. Akhriste, Bisaddu waxay aad u jeceshahay Kalluunka; urtiisa halkay ka uriso ayey tagtaa, waxa la yidhaahdaa Bisadda waxa lagu meheriyey Kalluun, ana waxaan is idhiba  Talow Somali hadaad tihiin ma Qabyaaladda ayaa La idinku Meheriyey, Mise waa La inagu Habaaray,Bal adba garo.

Hadaynu ku dul nasano tuducyo ka mida Gabaygii la Magac baxay DUGSI MA LAHA QABYAALADI WAXAY DUMISO MOOYEE ee uu tiriyey Abwaankii waynaa ee Cabdulaahi Suldaan Tima cade waa kii lahaa:

Dhibaatada ay qabyaaladdu ku hayso bulshada soomaaliyeed Abwaanno soomaaliyeed ayaa si xeel dheer uga gabyey; Qalin maalka soomaaliyeed waxoogaa aan sidaa u badnayn way ka qoreen Qabyaaladda, Culimadu waxoogaa aan sidaa u badnayn oo dadaal ah way galeen si ay dadka uga waci galiyaan qabyaaladda, Se wax is badalay ma jiraan.

Caadiyan markaynu  raad raacno Xumaanta qabyaaladda  waxa kusoo baxaya in qabyaaladu tahay waxa kala qaybiya labada walalaha ah ee kala bahda ah, inay tahay waxa qaran dumiya, inay tahay waxa qoys dumiya, inay tahay waxa qofka nolosha ka rida, inay tahay  waxa qofka ku qasba inuu qudha ka jaro qof bina aadama oon waxba galabsan, in ay tahay waxa dawga saxda ah kaa lumiya, inay tahay waxa ku bada inaad xaqa duudsido adigoo garabka saaraaya dambiile aad isku qabiil tihiin, inay tahay waxa ku ilawsiiya xaqa uu kugu leeyahay bina aadamka kale ee kugula nool deegaanta Raxmaanku kugu abuuray.

Dambiilayaasha waawayn ee soomaaliyeed ee la yaqaano, reer waliba ka reerkooda ah wuxuu u yaqaanaa mujaahid halyay ah oo reerkuu ka dhashay ku faano waa hadaanan Khaldanayn; Wuxu u yahay qofkasi tusaale qurux badan  dhalinta reerkaasi ee soo koraysa; Culimada iyo waayeelka reerkaasina waabay u duceeyaan iyagoo u haysta halyay qaran oo ummada inteedii kale ka kor qaaday magacna usoo kordhiyay, haduu dhintana waaba lagu tukadaa salaad qabiil iyo waxay noqotaba, Caku.

Aynu soo qaadano Adiibkii suugaan yahanka ahaa ee Abwaan Axmed Colaad Digaale “Qorane” tuducyo micne wayn xambaarsan oo ka mid ah Gabaygiisii la magac baxay qaran jabay/qaylo dhaan.

  • Niman yahaw qabyaaladi haday qolo daryeeleyso,
  • Quwad iyo bal eegoo haddii qiimo lagu yeesho,
  • Quruumahaba soomaalibaw u qani sanaan layde,
  • Raggan qamarsanaaciga diriyo qalabka duulaaya,
  • Ee inay khalqiga quudiyaan mooday qirahooda,
  • Qarba buuso soo wada mariyo qab iyo maan dhaafe,
  • Maruunbay hogaanka u qabteen qaar hagaagsaniye,
  • Markaasuu qilaafkii baxooy qun isu raaceene,
  • Qayrkeed waxay kaga hadhoo qoob la rogi wayday,
  • Qorrixii gumaysigu taguu qaatay gogoshiisa,
  • Iyo qabarku maantuu dhacee qaraxday baaruudu,
  • Waligeed hogaanka uma qaban qaar ducaysaniye,
  • Adiguba qiyaasoo markaad qabato raadkooda,
  • Marna qalinka tuugada yaqaan looma helin qiile,
  • Nin qawadiyo nimaan quudhinoo qaani kala raacday,
  • Waa wixii qardoofada dhigee laysku qoonsadaye,
  • Qoxoontigiyo qalalaasihiyo dhiiga qubanaaya,
  • Inkastuu axmaarkiyo qarbigu qayb ka mida gaystay,
  • Qabqabliyo qabiil baw horgala lagu qadhaabtaaye,
  • Dhurwaayadan qalwada noo galee noogu jira qaadhka,
  • Kol haddaan dunuubtay qabaan lagu qisaasaynin,
  • Qanci mayso qawlaysatada qaanka dubataaye,
  • Sidii qaraf batrool lagu qabtoo qiiqu kor u duulay,
  • Qaskan dhacaya sida qaalibka ah balandan qaan gaadhay,
  • Quruumuhu inay nagu qoslaan waa na qabataaye,
  • Waa qayla dhaan maansadaan soo qadimayaaye
  • Markaad talada qaadaa dhigteed nolosha qiimayso,
  • Qaran jabay qabyaaladi waxay qabatay saw maaha,
  • Waa qool ibliis nagu xidhoo qoorta noo sudhane,
  • Qarqarsiga hadii laga furoo calanka loo qaado,
  • Qormo kuma egaatiyo halkii qaydka loo dhigaye,
  • Qod markay ridaba saadambay soo qumbacataaye,
  • Qashin kama dhamaadee waxay qaalmo rogotaaba,
  • Saw waxa naftaadoo qudhiyo qoys ku baada maaha,
  • Nin qasdiyo ninkaan lagu qasbin ee qolo ku taageeray,
  • Iyo kii qurbaankaw huree gurayay qaadhaanka,
  • Nin waliba qadhaadhkii dhadhami kuna qareen waaye,
  • Marhaday dhibtaa wada qabtoon qolona liibaanin,
  • Dambiyada qadhaadhka ah miyaan laga qaraaraynin,
  • Qalbi adaginee saw bulshadu dib uma qiirooto,
  • Qumba subaga qooqaamadiyo qabayga oo buuxa,
  • Iyo aradka oo nabad qabiyo qayro wada taala,
  • Saw waxa dadkeenii ku qubay qaaradaha maaha,
  • Qajajiyo qabaw lagu dhintiyo baraf ku qaadaaya,
  • Iyo duul qalaadoo markaad aragto qoofayso,
  • Saw waxa qariib nagaga dhigay meel qurba maaha,
  • Qarqaradiyo waaxyaha gacmaha soorta lagu quuto,
  • Miinadu intay qaadatee qaybka mida beeshay
  • Iyo kuman qoryaha kaashadoo qumucu naafeeyay
  • Iyo kuman qafiifoo madfacu qoomay madaxooda
  • Kuman qaari kumanyaal qabiir kuman quraan ruuga
  • Iyo kuman qaliinka u go’oo nolosha qaabeeya
  • Iyo kuman warmaha qaadatoo qabata gaashaanka
  • Intaasoo qofoo qaaliyoo dunidu qiimayso
  • Oo shalay qabiil loo dilaan qudhi ka noolayne
  • Qanjidh hilib ma waayee siday noo qarba qarbaysay
  • Wax qarqoomay kumayaal qofoo bahalo quuteene
  • Qalfoof iyo waxaa mayd ku quban qooriyada xeebtu
  • Waa wada qaraabiyo tol iyo qoys walaala ahe
  • Inagaysu qayb naye intii lays qalfaadayay
  • Suntan badaha lagu soo qubee la qayayaabayso
  • Iyo agabka lagu qoofashiyo nimankan quusaaya
  • Qasnadihii idlaystoo haddaan qurus ku laabnayne
  • Waa qayla dhaan maansadaan soo qadimayaaye
  • Markaad talada qaadaa dhigtee nolosha qiimayso,
  • Qaran jabay qabyaaladi waxay qabatay saw maaha.

Hadii aan intaa kaga soo gudbo buuniska qormadayda oo aan hoos u soo gundo dego; waxaynu manta ku  noolnahay wadan dhibaatada ugu balaadhan ee burburisay isla mar ahaantana ragaadisay jiritaankii iyo qaran nimadii ay lahaayeen ummadda soomaaliyeed  ay tahay qabyaalad.Hadii aynu nahay ummadda soomaaliyeed waxaynnu nahay bulsho ay qabyaaladdu kala wayntahay qaran nimada iyo jiritaanka ummaddooda, horumar kasta oo aynu ku talaabsan lahayna iyadaa hortaagan; Mary Harper, Buugeedii ay ka qortay Soomaali iyo Soomaalida, ee ay ugu magacdartay “Getting Somali Wrong ” waxay  meel ka mida buugeeda ku tiri “The clannishness has always serve as formidable obstacle to the formation of stable, modern and developed nation-state”  oo ay macnaheedu tahay in is-reeraysiga ama Qabyaaladda ka taagan Soomaalia ay carqalad ku tahay samaynta qaran degan,casri ah oo horumarsan.  Somalida dhexdeeda   Qabyaaladda waxa aynu ka aamin sanahay in aynaan iyada la’aanteed noolaan karin,waxaabad moodaa inay diinteenii suubanayd qabyaaladdu inagala wayn tahay.

Tusaale ahaan waxaad arkaysaa xilliyada ay taagan yihiin salaadihii ALLAH wayne inagu faral yeelay dad halkay waajibaadka ilaahay inagu faral yeelay kasoo gudan lahaayeen  qabiil ku murmaaya,sida haddaannu nahay reer hebel annagaa dadka ugu sarrayna,Haddaannu nahay reer hebel anagaa ugu maal qabeensan,Haddaannnu nahay reer hebel annagaa reeraha ugu badan,Haddaanu nahay reer hebel annagaa ugu geesisan,Haddaannu nahay reer hebel annagaa ugu Abwaano badan,Haddaannu nahay reer hebel annagaa ugu mujaahidiin badan  haddaannu,haddannu haddaanu.Arintani waxay ku tusaysaa inay diintii iyo dadnimadiiba ay qabyaaladdu kala  waynaatay ummada soomaaliyeed.

Waxaan xasuustaa sheeko buuggii Felegmeer ku qornaan jirtay,Maalin maal-maha kamid ah ayaa Isticmaarkii Ingiriisku waydiiyay Siyaasigii caanka ahaa ee soomaaliyeed ee Maykal Maryama(Michael Mariano) kolkii uu kontomaadkii dabayaaqadisii hoggaaminayay mid ka mid ah Xisbiyadii ugu awoodda waynaa ee gobolada woqooyi ee NUF (National United Front ),Xisbigaasoo ka helay doorashadii 1960kii 45% codadkii dadwaynaha gobalada woqooyi, ayaa waxa la waydiiyey “sidee Maykalow u hawaysatay ama ugu hindisootay in aad madaxwayne u noqoto ummadda 100% muslimka ah adigoo kaligaa masiixi ka ah,”Maykal wuxuu si fudud ugu sheegay ninkii caddaanka ahaa “Soomaalidu waxa ay aaminsan tahay wax kala wayn mabda’kasta iyo caqiido kasta oo kale”,taas oo ah ayuu yidhi tolnimada (qabyaaladda);

Waa run hadalka Maykal,maxaa yeelay waxa aynu dhamaanteen markhaatiyo u wada nahay aafadii qabyaaladdu inna gaadhsiisay inaga oo tolnimo darteed u tageerayna ama ugu hiilinayna horjoogayaal dantooda u halgamayaal ah. Aynu usoo qaadano tuducyo micne wayn xambaarsan oon kasoo xigtay Abwaan Abwaan Ahmed Colaad Digaale “qorane” Gabaygiisii la magac baxay qaran jabay oon xaga horena kusooo qaatay tuducyo ka mid ah:

  • Shacbiyahaw cadaawuhu qurbee qiiro ka idlaatay,
  • Shacbiyahaw qandiga loo toshee jeebka lagu qaatay,
  • Shacbiyahaw dagaal qoloqoliyo qooqa ku idlaaday,
  • Shacbiyahaw qof iimaan qabiyo qawlka runa diiday,
  • Shacbiyahaw qishkiyo tuugadiyo beenta lagu qaatay,
  • Shacbiyahaw qasiidooyin kiyo qaadka ku asqoobay,
  • Shacbiyahaw shareecada qiree qaata laga waayay,
  • Shacbiyahaw quraankiyo sunnada qayb ka mida diiday,
  • Shacbiyahaw qabiiladu waxyiga kala qurxuunaatay,
  • Shacbiyahaw qubuuraha dhisiyo qolalka shaydaanka,
  • Shacbiyahaw qabriga caabudiyo mayti laga quustay,
  • Shacbiyahaw siddii qoomu nuux maanka laga qaaday,
  • Waa qayla dhaan maansadaan soo qadimayaaye
  • Markaad talada qaadaa dhigtee nolosha qiimayso,
  • Qaran jabay qabyaaladi waxay qabatay saw maaha,
  • Qisaskeena kuma koobi karo qaafkan maansada’e,
  • Waxba yaan amuuraha qodqodin qaabka loo jabaye,
  • Qulub iyo calool xumo raggbaa qada habeenkiiye ,
  • Qarnigii gumaysigu qabsaday qaaradiyo geeska,
  • Gayigeena sidii loo qoryaday loona kala qaaray,
  • Qalbigiyo damiirkaa dhintoon caafimaad qabine,
  • Qoqobii shisheeyuhu dhigiyo dabinaduu qoolay,
  • Qorshahay itoobiya wadaa kii ka qaro wayne,
  • Qoryuhuu isugu dhiibayiyo shirar qaroomayntu,
  • Isma qabato labadaa qisee waa qayiranteene,
  • Caqligii wax qiimayn jiraa qaayiboo maqane
  • Hadii aanuu allaha qaadirkii ahi qaar damqada keenin,
  • Dakadaha qaraaradan inuu jeex ka mida qaato,
  • Qabanqaabadii waan arkaa qaabka loo wado.

Haddaba su’aasha is waydiinta mudani waxay tahay maxay soomaalidu wax walba uga hormariyaan tollnimada ama qabyaaladda? aynnu kusoo koobno shan qodob oo ay soomaalidu qabyaaladda ugu xidhan tahay.

Kow, in qofkasta oo soomaali ahi uu jecel yay “sarraynta”, sarrayn dhaqaale,sarrayn siyaasadeed,sarrayn aqooneed.sarrayn qabiil iyo sarrayn xadaaradeed taasi oo sababtay dadka intii isku qabiil ahiba inay si gaara iskugu xidhnaato naf iyo maalna isku hurto waayo waxay aamin san yihiin haddii aanay isku xidhnaan,is caawin oo aanay hoos isku ogaan in aanay helayn sarrayn ay ka sareeyaan bulshada inteeda kale.

Laba, in qabyaaladda “ hiil ” laga dayo;Tusaale ahaan in qofku aaminsan yahay ku xidhnaanshaha tolkii inay lagama maarmaan u tahay ku sugnaanshaha inuu qofku ku sugnaado xaalad nabad-galyo maxaa yeelay haddii ay dhacdo in ay cidi kugu xad gudubto cidda ugu horaysa ee kusoo gurmanaysaa in ay tahay tolkaa.

Saddex, Soomaalidu qabyaaladda waxay ugu xidhan tahay waxa weeye Xil ama Jago ku helid. Waxa sida caadiga ah dhacda qofkasta oo soomaaliya oo xil raaddisa ha xumaado ama ha samaadee waxaa hubaal ah inuu aaminsan yahay in uu siyaasada si fiican u jili karo, saaxada siyaasaddana si fiican uga muuqan karo marka uu debada galiyo reerkiisa. Siyaasaddu waa fani lagu jilo Aqoon iyo fogaan arag se maaha mid lagu jilo Qabiil iyo Qabyaalad.  Niman badan oo horjoogayaal siyaasaded iyo Madax inoo ah ayaa ku helay xilalka ay ummada u hayaan  reer hebel ayaan ahaye kursi hebal ha laysiiyo ama meel heblaayo ha lay geeyo anagaa waligayaba haysan jirnaye, Odhan mayo Qualification-kaygu waa kuwan ee hala qiimeyo xilkii ama goobtii shaqo ee ku munaasib ah qualification-kaygana ha lay geeyo. Dhinaca kale, Waxaaba waayadan dambe soo baxay inay odayaasha reerku yidhaahdaan waar halkaa jagaa ka banaane nin ragga wax la boobi kara inoo geeya,taasoo micnaheedu tahay ninkii tuuga ahaa ama dilaaga ahaa ee jaarku ka waasheen in bulshada la dhex keeno isla markaana jago loo magacaabo, maxaa yeelay isagaa sida wax loo dhaco ee wax loo khaa’imo yaqaana; Halkaas waxaynu ka dheehan karnaa halkay qabyaaladdu inala marayso inaan shicibkii loo danayne, ee ninba ninkuu ka Khaa’in san yahay kana Back-ground xun yahay ummadda u shaqee la odhanaayo. Proffessor Lwis oo in badan wax ka qoray Soomaalida ayaa yidhi siyaasada qasan ee Soomaalia iyo helid La’aanta hogaan hantiya quluubta Shacab-weynaha oo ku haga dariiqa wax qaybsiga iyo hurumarka waxa hortaagan is reeraysiga ama qabyaalad (Clan affiliations).

Afar,  soomaalidu qabyaaladda waxay ugu xidhan tahay sabab “Dhaqaale”  sida kaallada marka la’guursado,qaadhaanka marka la’qaamoobo,Shaxaadka marka la’baaahdo iyo magta marka la’godoboodo, taas oo soomaalida ugu jirta halka ay ummadaha kale ugu jiraan shirkadaha Caymisku (insurance Companies); Tan wax keenaysa Sabool-nimada badhxan ee ka taagan Somalida dhexdeeda (Relative Poverty) taaso keenaysa in qofku dhaqaale ahaan kaligii isku filnaan Karin, hadii mushkilad nololeed ku timaadana aan awood dhaqaale ku mustafayn karayn. Dhinaca kale, Soomaalidu waxay qabiilka ugu xidhan tahay si  nolol maalmeed lagu kasbado, sida in qofka hadduu tolkii shirkado leeyahay aanu shaqo waayi karin ama aqoon ha yeesho ama yaanu lahaan,waayo waxaad arkaysaa qof aan school hooso-dhexe ama sareba ka bixin oo xafiisdhan  u sarreeya,halka dhanka kalena aad arkayso aqoon yahan gidaar darxumo ugu go’aaya sababtoo ah tolkii malaha shirkado markii uu shaqo tagayna waxaa booskii uu aqoontiisa ku gali lahaa ka qaaday mid jahli ku baaqi noqday oo ninka shirkadda leh ay tolyihiin.

Shan, Soomaalidu qabyaaladda waxay ugu xidhan tahay  sabab “bulsheed”. Soomaalidu waxa ay isugu xidh-xidhan tahay hab beeleed ,Tusaale ahaan barigii hore waagu markuu baryo qofkasta soo soomaali  ahi waxa uu ku kallahi jiray maqaxida ama meherada reerkooda,Saxiibadiisuna waxay u baddnaayeen ilmaadeeradii; warka waxa uu ka qaataa maqaaxida tolkii,imikana waabay sii balaadhatay oo goobaha is gaadhsiinta ee  ay bulshadu ku wada xidhiidho (Social Media) waagii baryaba waxaad ku arkaysaa meelo ay qabiillo gaar ahi ku magacaaban yihiin, (Groups) haddii aad u fiirsatana waxa lagaga hadlaa arin reer qudha khusaysa, Caku. Danta guud iyo sidii loo dar dar galin lahaa geedi-socodka dhaqan dhaqaale ee bulshadeena miyey kaga sheekaystaan qolaalkaa ay ka weegaarteen Sicial Media-ha. Akhriste, Tani waxay ku tusaysaa inaynu nahay ummad ay qabyaaladi naafaysay illaa haddana meel ay uga guuran hab-dhaqankan bulsho ee Qabyaaladda ku dhisan aan hayn. Aynu ku dul nasano tuducyo aan kasoo xigtay gabaygii “Waa Sixir Qabyaaladi ” ee uu lahaa Abwaan Ahmed Colaad Cigaale “qorane”:

  • Wax waliba markuu wada socduu sarre u guuraaye
  • Mar hadii khilaaf lagu salido ooy is wada seegto
  • Silic iyo haraad kama baxaan waa sidaan nahaye
  • Sixir iyo qabyaaladi ka daran sadhiyo daacuune
  • Mar haday qalbiga seexatoo saabka ku cawayso
  • Waa cudur caqliga suuliyoo lagu sirqoobaaye
  • Saalaxal wareerkiyo bulshadan seexan kari wayday
  • Siidhiga colaadiyo sharkiyo sacabka shaydaanka
  • Iyadaa saraayaha dhashiyo siica nololeede
  • Waa saawa saawiyo col iyo saymo dirireede
  • Marna waa sabaan iyo abaar soof ma reebto ahe
  • Sabbi iyo haween kama tagtiyo sayncadaadiga’e
  • Sagal hooray dooggoo sinmoo lagu sureeraayo
  • Sareedada markay kaa qubtiyo subaga ceegaaga
  • Sabool iyo waxay kaa dhigtaa sulugle caydheede
  • Soomaali waa wixii roggee seetadow jaraye
  • Safiih iyo waxay caawisaa saaqid iyo tuuge
  • Kolba bahal khiyaamo u socdaa saamahow tuma’e
  • Sahalbay ahayd maalintay sarre u baaqeene
  • Sinjigiyo sansaank iyo afkiyo sawriciyo diinta
  • Iyo magaca soomaalibaa noo sidde ahaaye
  • Waa se sanam la caabudi jiroo sabada noo yiile
  • Waxay suursanaataba kolkii loo sanqaday maalmo
  • Nin waliba intuu seef u tumay waran u soofeeye
  • Iyadoo sibraha qaawisoo saanad iyo xoogleh
  • Mar haday silsiladii jartooy sagabihii tuurtay
  • Wax sanceeya saakaan la hayn oo sokeeye ahe
  • Sixir iyo qabyaaladi ka daran sadhiyo daacuune
  • Mar haday qalbiga seexatoo saabka ku cawayso
  • Waa cudur caqliga suuliyoo lagu sikhraamaaye
  • Hadii reerka sibiq loo raroo sahanla’aan guuro
  • Dhulka meesha saaca le haddan looga sabo eegin
  • Suudiga cadceediyo kulkuu kala sarseermaaye
  • Saqdhexay gudeen wiilashaw sacab garaacdeene
  • Iyagaa dantooda u socdaye sooma wadin khayre

Mushkiladda ugu foosha xun ee qabyaaladdu waxa weeyan iyadoon lahayn meel ay ku dhamaato illaa ay kala qaybiso labada walaalaha ah ee kala bahda ah,sida iyadoo u bixinaysa ba’cambaro iyo ba’cutiya.Marar badan ayaa lays waydiiyay bal halka ugu dambaysa ee ay qabyalaaddu ku dhamaato,waxaanay ku masaleen xeel-dheereyaasha qabyaaladdu inay basal oo kale tahay,aniguna naciima ahaan waxaan ayidayaa fekerkaas in aanay qabyaaladdu lahayn meel ay ku nasato ilaa ay kala qaybsiyo labada walalaha ah ee kala bahda ah.Aan soo qaato qiso dhacday waayo hore,oo uu yar yahay qof jiray ama garaad lahaa,Qisadaas oon kasoo xigtay buugga felegmeer waa sanadihii 1930aad-kii.Maxamed Cumar Dhage oo ahaa nin geel badan, reer  Qabri-Daharre-na ahaa,  kana mid ahaa Abwaaniintii waawaynayd ee xiligiisii,ayaa tiriyay gabay uu ku xifaalaynayo reer Gaashaamo,waxaanan ka xasuustaa:

Dabadeedna Maxamed Cumar Dage ayaa gabaygii waxaa uga soo jawaabay Quulle in-dhoole oo reer Gaashaamo ah isagoo isir ama reer maagaaya wuxuu yidhi:

  • Anoo gaban ah baan joogi jiray goboladiinaase
  • Adba dalalka waad soo gashaa ee gaag yar baad tahaye
  • Giddigoodba reerkiinu gogol ma buuxshaane
  • Maxaan Ina Dhagoow kuu gabyaaa geel jir baad tahaye

Macnaha guud ee sheekadani waxa ay sawir cad ka bixinaysaa in mar marka qaar qofka aan lagu ixtiraamin ama lagu sharfin aduun inta uu haysto, ee lagu sharfo reerka uu ka dhashay iyo tiradada tolkii intay leegyihiin. Ina Cumar Dhage oo isu arkaayay in uu soomaali oo dhan ugu sarreeyo kedimaha geela ah ee tirada badan ee uu haysto awgeed,  ayaaa Quule ku dooday in aanu eegin tirada kadimaha geela ah ee uu haysto ee uu uu hoos u eego reerka uu ka dhashay lyo tolkii intay tiro leegyihiin.  Tani waxay ku tusaysaa in aan dadka lagu kala fadilayn  aqoon iyo aduun, ee lagu kala fadaliyo qabyaalad iyo tirada ilmaadeeradii ah ee ay isku raas yihiin.

Intaas marka laga yimaado, qabylaaddu waxay carqalad ku tahay kobaca dhaqan dhaqaale ee bulshada ;  Mushaakilka ama carqaladaha ay  qabyaaladdu ku leedahay kobaca dhaqan dhaqaale ee bulshadeena waxa ka mida:-

  • Horumar dabrid; Waxyaabaha keena in dal horumaro waxa weeyaan ka faa’idaysiga khayraadka dabiiciga ah si macquula ah oo aan la wada xaabsanayn khayraadka( sustainable utilization of Natural resources), hadaba waxaad arkaysaa reer leh khayraadka deegaankayaga ku jira cid laso bixi kartaa ma jirto illaa anaga ka reer hebel ahaan waxaas iyo waxaas iyo waxaas la nala siiyo; Maandhow, khayraadka waan u simanahay ee se deegaanka aad ku nooshahay ayuu ku beeray Raxmaanku. Akhriste tani waxay keentaa in khayraadkii halkii baaqi ku ahaado oo aan laga faa’idaysan, kobaca dhaqaale ee dalkuna “Growth Domestic Product” aanu kobcin; marka dhaqaalaha dalku kobci waayo, nolosha dadkuna ma wanaagsanaanayso taninana waxay inagu sii haynaysaa saboolimada iyo nolosha hoosaysa ( Poverty and Austerity). Akhriste, waxaas oo dhan waxa u sabab ah qabyaalad; Hadii aanay qabylaadi jirin, reer is uruursada oo horjoogsada ka faa’idaysiga khayraadka may jiri lahayn,  khayraadka waa lala soo bixi lahaa, si siman ayaa loo qaybsan lahaa, dhaqaalaha iyo nolosha soomaalidu way kobci lahayd.
  • Tahriib; waxa jira dhalinyaro badan oo bil kasta ama maalin kasta ka baxa dalka oo tahriiba; hadii aad la sheekaysato qaar waxay ku odhanayaan waxaan u tahriibayaa shaqo la’aan; Jaamacad heblaayo ayaan ka baxay, takhasuskaygu waa waxaas iyo waxaas, se goobtii aan ka shaqayn lahaa qof kale oo aan aqoon lahayn ayaa fadhiya oo hab qabiil shaqada lagu siiyey. Fursadaha shaqo ee Soomaalia ka banaani waa kuwo eex iyo qabyaalad la isku siiyo oo aan aqoon iyo karti lagu xulan qofka; tani waxay keentaa in dhalinyar badan oo aqoon lihi shaqo waayaan, oo ay miciiinsadaan tahriib.
  • Yaraanshaha is dhex-galka bulshada; qabylaaddu waxay keentaa in ay yaraato is dhex galka bulshada sida kala guursiga iyo wada shaqaynta.  Qofku waxa uu la soconayaa, la macaamilayaa ilmaadeeradii isago iska soo koobaya bulshada inteedii kale; Dhinaca kale, beryahan danbe waxaaba guurka lagu saleeyaa hab qabiil; inanka ama inanta looma ogalaado in uu talaabo oo uu reer kale la xidido; waxay waalidka qaar ku yidhahdaan caruurtooda aabbo/hooyo qof waa qofkaaga, mid reerkaaga ah guurso, ku kale/tu kale ha inoo soo xarayn aabbo/hooyo.  Akhriste tani waxay keentay in is dhex-galkii bulshadii yaraato iyo wada macaamilkii waxaana taas u sabab ah qabylaad.
  • Hoos u dhac ku yimaada wax soo saarka bulshada ; waxyaabaha kor u qaada kobaca wax soo saar ee bulshada ‘Human Productivity’ waxa ka mida in qof kastaa shaqadii iyo hawshii ku munaasibka ahayd qabto. Kii injineerka ahaa dhismaha galo, kii wax dhigista ku wacnaa iskuulada iyo jaamacadaha wax ka dhigo, kii cilmiga dhaqaalaha iyo maaliyada ku wanaagsanaa goobaha dakhli ururinta ee dalka ka shaqeeyo, kii wacyi galinta ku wanaagsanaa uu bulshada wacyi- galiyo, iwm; hadaba marka bulsho la helo caynkaas ah, oo qof walba la geeyo meesha uu ku munaasibka yahay ayaa wax-soosaarka bulshadu kor u kacayaa, hadii se qabylaad wax lagu xulo oo nin kasta meel aan ku munaasib ahayn lagu gufeeyo, ninkaa meeshaas lagu gufeeyey wax alaale iyo wax uu kuso kordhinayaa goobta shaqo ma jirayso, tanina waxay hoos u dhigaysaa kobaca wax soo saar ee bulshadeena. Akhrisre, marka ku kasta oo inaga mid ahi adeegsado xirfadiisa oo uu ku foofo goobta shaqo ee ku munaasibka ah xirfadiisa ayeynu wax soo saarkeena bulsho kor u qaadi karnaa, se inta qabyalaad lagu kala fadilaayo dadka, inaga dheer horumar dhaqan dhaqaale iyo wax soorsaarba.
  • Joogtaynta Khilaaf siyaasadeed; Markaad eegto hab siyaasadeedka Gobalada ama deegaanada soomaalida, waa mid ku salaysan qabiil eexsi (qabyaalad); Murannada iyo khilaafadka siyaasadeed ee hadheeya Gobalada iyo deegaanada ay somalidu degtaa waa mid ay sababtay qabyaaladi. Siyaasigu ha ahaado mucaarid ama muxaafid waxa uu adeegsanayaa qabyaalad, tani waxay xumaynaysaa nidaamka falsafiyadeed ee siyaasada. Helidda siyaasad fiican oo dimuqraadiyad (democteric) iyo sinaan ku salaysani waxay waddada u xaadhaa horumarka, laakiinse inta ay Madaxdeenu jilayaan siyaasad qabiil ku salaysan, inaga dheer horumarin. Culimada xaga Cilmiga siyaasada ku takhusustay (Political scientists) waxay yidhaahdaan waxa bulshada lagu horumarin karaa marka la helo siyaasad ku salaysan dimuqraadiyad, sinaan iyo fogaan arag; siyaasadaas oo is cunsiinaysa fekradaha horumarineed (Developmental initiatives), wada shaqayn iyo isku soo dhawaanshana ka dhex unkaysa ka saboolka ah iyo ka maal-qabeenka ah. Akhriste, intaynu mid mucaarid ah iyo mid muxaafid ah ba aynu jilayno siyaasad qabyaalad ku salaysan, waa habeenkii xalay ahaa ee tagay in horumar la helo, Laabaha bulshadana la iskugu xaadho, maxaa yeelay siyaasada waa ta bulshada isku soo dhawaysa, horumarkana hagta.

Si loo yareeyo ama loo cidhib tiro qabylaada oo horumar iyo wax wada qabsi loo helo, waa in la unkaa

  • urur bulsheedyo isku xidha guud ahaan qaybaha kala duwan ee bulshada, oo ka madax banan ku dhagsanaanta reerimada.Waa inay noqdaan qaar ka turjumaaya danta guud ee bulshada isla markaana qaba aragti laga midaysan yahay si looga gudbo reernimada  ragaadisay guud ahaan ummada soomaaliyeed.
  • La badalaa aragtida qabyaaladda ku salaysan ee bulshadu haysato (Revamping the Idoelogical doctrine based on tribalism); Mushkiladaha dunidan hadheeya sida argagaxisada, dagaalada sokeeye,  midab takoorka, iyo IWM, waxa wax lagaga qaban karaa iyadoo la badalo fikrada bulshada (ideological/or attitude modification). Hadaba qabyaaladda waxaynu wax kaga qaban karnaa inagoo badalna fekradaha is reeraysi ee bulshadeenu aaminsan tahay. Nabi Maxamed (NNKH) markii ay risaaladu kuso degtay ee dacawada diinta faa’finteeda uu bilaabay, qabaa’il-kii carbeed ee waagaasi waxay ahaayeen kuwo ku dhaqma nidaam qabyaaladeed oo takoor badan.  Nabigu (NNKH) ha ahaatee, muu tir-tirin qabiilka ee wuxuu badalay  mabaa’diidoodii qabyaaladda ku salaysnaa, dabadeedna waxaa is badalay waxay reerku rumays naayeen sida ku dhaganaanta qabyaaladda; Tani waxay dhashay in Yuhuud iyo arab Ummad kaliya la wada noqdo oo nabad ku wada noolaadaan, halka markii horana qabaa’ilkii carbeed ee waagasi iska daa Yuhuud ay Nabad kula nooladaane ay iyagu dhexdooda wanaag iyo Nabadi ka dhaxayn. Akhriste, Qabyaaladda waxaynu ku tir tiri karnaa inakoo min Madax ilaa shacab la nimaadna nidaam (Platform) aynu ku badalno aragtiyaha qabyaaladeed ee bulshadeenu haysato.
  • Waa in la sameeyaa damaanad qaad amni oo la damaanad qaadaayo amniga qofkasta oo bulshadeena ka mid ah si looga maarmo reernimada iyo hiilka dayida tolka, sababtoo ah marka aad ogtahay inay jirto cid kuu doodaysa,ku ilaalinaysa isla mar ahaantaana ka masuula amnigaaga waxaad ka maarmaysaa ku tiirsanaanta tolkaa; xaqiiqatan waxaad daacad u noqonaysaa ciddaas masuuliyadaada qaaday sidii aad awalba daacadda ugu ahayd tolnimada.

Damaanad Amni-na waxa la heli karaa marka la helo hogaamiyayaal fogaan arag leh oo odarasa nidaam siyaasadeed oo siinaya damaanad amni muwaadin kasta haday tahay naftiisa, caruurtiisa iyo maalkiisaba. Tani waxay meesha ka saaraysaa ku xidhnaashaha is-reeraysiga iyo qabyaaladda.

  • Waa in la helo isku filnaansho dhaqaale oo wada gaadha guud ahaan bulshada ama in kor loo qaado ilaha dhaqaalaha si looga maarmo habka dhaqaale ee loogu tiirsan yahay tolka.Sababaha ugu waaweyn ee aynu tolka ugu xidhanahay ayaa ah sabab dhaqaale,waayo qofku markuu shaqo doon yahay wuxuu u shaqo tagayaa shirdada tolkii,qofku markuu baahdo halka ugu horaysa uu caawimo ka helayaa waa reer tolkii,hadduu dhib gaysto cida kaliya ee magta la bixinaysaa waa tolkii haddaba  si taas looga gudbo waa in la sameeyaa shirkado waawayn oo qofkastaa qalinkiisa ugu shaqo tagi karo kana madax banaan tolnimo iyo dadka kala xigtaysi. Waa in la sameeyaa shirkado caymis ( Insurance Companies) oo caawinaya qofka marka ay ku timaado dhibaato. (Ilaahaybaa wax caawiyee).
  • Waa in kor loo qaado nidaamka Aqoon–ku-kala-baxa si meesha looga saaro fikirka ah hadii aad aqoon leedahay iyo haddii aad jahli ku baaqi noqotoba in aanad shaqo waayeyn oo aad shirkadaha tolkaa shaqo ka helayso. Dhanka kale haddii Aqoon-ku-kala-baxa kor loo qaado  waxay  dhaxal siinaysaa dad badan inay ku noolaadaan nolol ka madax banan ku sugnaansho dulmi, oo ninkii aan waxba aqoonin meesha waa ka bixi lahaa.

Dhinaca kale,  waa in kor laa qaada nidaamka aqooneed ee dalka maadama ay aqoontu tahay shayga kaliya ee aadmiga horumar u hor seeda isla mar ahaantaana ku tusa xaqaaga iyo xaqa uu kugu leeyahay aadamaha kale ee kugula nool deegaanka uu eebbe wayne kugu abuuray.

  • Waa in kor loo qaadaa is dhexgalka bulshada, bulshada oo is dhexgasha isla mar ahaantaana la wadaago afkaar iyo mabaadii dhexmarta bulsho kala duwan kala ab iyo qabiillo ah waxay meesha ka saaraysaa ku koobnaanta tolkaa waxaanay kuu furaysaa albaab cusub iyo inaad ka tanaasusho u laba diblaysnaanta reernimada oo aad xigsato dadyow aan kula qabiil ahayne si kula afkaar ah. Dhinaca kale, waa in la dar dar galiyaa kala guursiga reeraha si la isku dhex galo (inter-marriage), oo ninka reer Hargaysa ahi u talaabo Qardho ama Hobyo, ka reer Qardho ahnina Geddo ama Buule burde u sii talaabo. Tani waxay keenaysaa in ay bulshadu intaas iskaga soo dhawaato. 25 sano ee u danbeeyey aad ayay u yaraatay kala guursiga reeraha, waxaana u sabab ah burburkii iyo gobalaysigii ku yimid Somalia, Taas oo keentay in xaafad kastaaba meel isku soo oodo.
  • Waa in la helaa caddaalad; waxyaabaha sii dar dar galiya qabyaaladda waxa weeyaan caddaalad daro ka taagan guud ahaan gayiga soomaaliyeed, taaso keenaysa qofku in uu ku dhagganaado ama uu dabada galiyo tolkii si aan cidi ugu soo xad gudbin oo hadii lagu soo xad-gudbana tolkii garab istaagayaan. Hadaba helida nidaam caddaaladeed waxay damaanad siinaysaa qofka, waxayna keenaysaa qofku in aanu ku dhakab ahaan qabiilkiisa oo uu is faalaliyo.  Nidaam caddaaladeed oo u sima bulshada, u gargaara dhibbanaha, qaba dhibaadaa waxa la heli karaa marka la helo Hogaamiyaal fogaan arag leh oo ku dhaqa bulshada sinaan iyo caddaalad, tanina waxay yarayn doontaa afkaarta qabyaaladeed ee bulshadu aaminsan tahay.

Akhirtse, “ What deprives Somalia to develop and rival with other developing countries is tribalism, therefore, unless we eliminate it  We cannot develop and we will be rotating in roundabout”.

Sharmaarke Abdi Musse, (2013) “At what time we shall Eliminate the Clannishness and Tribalism”; Article.




Photogallery Qaan Dhoole Somalia:



aamir Jilaa News Falanqeynta Fanka iyo Fanaanka
A tale of hope in Kabul - Al Jazeera English
The Dawn News - Blogs

classify Iranians,afghan and north indian.
The World's Best Photos of islam and pakistan - Flickr Hive Mind
Jilaa News Falanqeynta Fanka iyo Fanaanka

The Men with Many Wives: the British Muslims who practise polygamy ...
BBC Asian Network - Raj and Pablo, Alia Bhatt and Arjun Kapoor, DJ ...
Jilaa News Falanqeynta Fanka iyo Fanaanka

Rajo Qaran » FANKA
De Kulture Music | Artist
All Projects | Seed&Spark

Bengal Matrimony - NextGen Matrimony Services Pvt. Ltd.
Pakistan: A vanishing state - The Express Tribune
BBC Radio Lancashire - Desi Nation, The big interview: Mirza MC

Doutzen Kroes Photoshoot - Vogue Spain September 2013 | 99share.in
Sania Maskatiya Sapphire Lawn 2013 | Pakistani Clothes & Fashion ...
jazzy b new naag 2

Bengal Matrimony - NextGen Matrimony Services Pvt. Ltd.
Bengal Matrimony - NextGen Matrimony Services Pvt. Ltd.
Doutzen Kroes Photoshoot - Vogue Spain September 2013 | 99share.in